Agaasimaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf, ayaa maanta si rasmi ah u soo xiray tababar lagu horumarinayey aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka howlgala Xafiiska Warbaahinta iyo Wacyigelinta.
Tababarkan oo socday muddo cayiman ayaa diiradda lagu saaray tayeynta xirfadaha warbaahinta, horumarinta hababka isgaarsiinta, iyo kor u qaadidda tayada adeegyada xog-siinta ee uu xafiisku u gudbiyo bulshada.
Agaasimaha ayaa sheegay in tababarrada noocan oo kale ahi ay door muhiim ah ka qaataan kobcinta kartida shaqaalaha, isla markaana ay sare u qaadaan hufnaanta iyo tayada shaqada warbaahinta ee Golaha Wakiillada Puntland. Waxa uu ku dhiirrigeliyey ka qaybgalayaasha inay aqoonta ay ka kororsadeen tababarka u adeegsadaan horumarinta shaqadooda maalinlaha ah iyo gudbinta xog sax ah, dheellitiran, isla markaana waqtigeeda ku habboon.
Mudane Ibraahim Maxamuud Yuusuf ayaa sidoo kale uga mahadceliyey macallimiintii iyo masuuliyiintii soo qabanqaabiyey tababarka dadaalkii ay geliyeen diyaarintiisa iyo hirgelintiisa, isagoo xusay in horumarinta joogtada ah ee aqoonta iyo xirfaduhu ay laf-dhabar u yihiin adeeg dowladeed oo tayo leh.
Dhankooda, shaqaalihii ka qaybgalay tababarka ayaa tilmaamay in casharradii iyo waayo-aragnimadii ay ka faa’iideysteen ay wax weyn ka tari doonaan kor u qaadidda waxqabadkooda iyo tayaynta howlaha warbaahinta iyo wacyigelinta ee ay bulshada u hayaan.
Gabagabadii munaasabadda ayaa la guddoonsiiyey shahaadooyin dhammaan ka qaybgalayaashii tababarka, iyadoo Xafiiska Warbaahinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Puntland uu mar kale caddeeyey sida ay uga go’an tahay horumarinta awoodda shaqaalaha iyo tayeynta adeegyada warbaahinta iyo isgaarsiinta dadweynaha.






